faafaahin:dil ka dhacay baladweyne.

by admin | Thursday, Feb 23, 2023 | 256 views

Kooxo hubeysan ayaa xalay Xaafada Xaawa-taako ee Magaalada Beledweyne waxa ay kudileen Macalin Mowliid oo kamid ah Macalimiinta Dugsiyada Qu’raanka Kariimka.

Ciidamo katirsan laamaha Amniga Beledweyne ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo howlgallo baaritaano ah wada, wallow ay baxsadeen raggii dilka geystay

Weli lama oga cidda ka dambeeysa dilka xalay Magaalada Beledweyne loogu geystay Macalinka Dugsi Qur’aan, waxaana weli ka hadlin laamaha Amniga iyo Maamulka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Magaalada Beledweyne ay Kooxo hubeysan ay Magaalada Beledweyne kudileen Nabaddoon kamid ahaa Ganacsatada Magaalada Beledweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response