Maxkamadda Ciidamada oo la horkeenay Nin lagu eedeeyay la Shaqeynta Al-Shabaab

by admin | Monday, Sep 14, 2020 | 348 views

Mas’uuliyiinta Sare ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo ku sugan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa Maanta soo geba-gabeeyay dhageysigda dacwadda Nin lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab oo mar isa soo dhiibay balse si hoose ula Shaqeynayay.

Ninkaan ayaa waxaa lagu Magacaabaa Farxaan Maxamuud Xasan, waxaana Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ay sheegtay in uu Ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Beled-Xaawo uu isku soo dhiibay, hayeeshee uu qorshooyin kala duwan uu maleegayay, isaga oo la Shaqeynayay Al-Shabaab.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada cabdulalahi Buulle Kameey ayaa sheegay in eedeysanaha uu yahay Nin qatar ah,isla markaana degmada Beled-Xaawo uu ka abaabulayay falal lagu shirqoolayay Ciidamada, waxaana uu dalbaday in lagu xukumo xukun u dhigma dambiga loo heysto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa fadhiga Maxkamadda ka Sheegay in dhageysiga kiiska Farxaan Maxamuud Xasan la soo geba-gabeeyay, isla markaana Maxkamadda ay Go’aan kasoo saari doonto.

Like it? Share it!

Leave A Response