Meydad laga soo saaray webiga Nile ee Suudaan

by admin | Wednesday, Jun 5, 2019 | 829 views

Ku dhawaad  40 qof ayaa laga soo saaray webiga Nile ee mara bartamaha magaalada caasimadda ah ee Khartuum kaddib markii howlgal rabshado horseeday lagu qaaday dad dibadbaxyo dhigayay, sida ay sheegeen u ololeeyaasha mucaaradka.

Dhakhaatiir lala xiriiriyay mucaaradka ayaa waxay sheegeen in meydadka ay kamid yihiin 100 qof oo la rumeysan yahay inay dileen laamaha ammaanka Suudaan tan iyo Isniintii oo ay weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen dibadbaxyaasha.

Wararka waxay sheegayaan in laga cabsi qabo in kooxaha sida militariga u tababaran ay weerarayaan shacabka dalkaas.

Golaha saree e militariga Suudaan waxay sheegeen inay baarayaan dhacdooyinka shacabka badan lagu laayay.

“Meydad 40 ah oo ah shuhadadeena sharafta leh ayaa shaley laga helay webiga Nile” ayaa lagu yiri qoraal barta Facebook ay kusoo qoreen guddiga dhakhaatiirta Suudaan.

Like it? Share it!

Leave A Response