Meydadka Dhallinyaro Bada qaaday oo laga helay xeebta Geellaq ee Muqdisho

by admin | Sunday, Jul 16, 2023 | 169 views

Laba wiil oo dhallinyaro oo saaka u dabaal tagay xeebta halka lagu magacaabo Geellaq ee degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa barqadii maanta meydadkooda laga soo saaray biyaha bada oo ah kuw aad u kacsan.

Dad ku sugnaa xeebta Geellaq ayaa waxa ay kusoo warrameen in mid kamid ah labada wiil ay markii hore badu qaaday, balse mid kalena oo la socday ayaa isku dayay inuu soo badbaadiyo saaxiibkiis, hayeeshee isna ayey biyuhu la tageen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Xamarweyne ayaa gaaray goobta, isla markaana bada kasoo qaaday meydadka dhallinyarada bada qaaday, iyaga oo saaka u badaal aaday bada.

Maalmo kahor ayey markii wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Ibraahim ay isna bada ka qaaday xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, waxaana markii dambe meydkiisa laga helay duleedka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Like it? Share it!

Leave A Response