Midowga Yurub & Sweden oo taageero u balan qaaday Soomaaliland

by admin | Sunday, Oct 20, 2019 | 734 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 20-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirrrada midowga Yurub iyo Sweden ee Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. staffan Tillander.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirrada, ayaa lagaga wada hadlay adkaynta iyo dardar-gelinta xiriirka wada-shaqayneed ee midowga Yurub iyo dalka Sweden ay la leeyihiin Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi la isagana kaashan lahaa arrimaha mandaqadda Geeska Afrika.

Ugu danbayna waxa kulankaasi lagaga wada hadlay diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka foodda innagu soo haya ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay beesha caalamku danaynayaan inay doorkooda ka qaataan, maadaama ay Somaliland ka taageeraan hannaanka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay guud ahaan wefdigaani sheegeen inay diyaar u yihiin Somaliland taageeradeeda.

Like it? Share it!

Leave A Response