Nin gowracay wiil uu Abti u ahaa kadibna dhaawacay walaashiis

by admin | Sunday, Jul 16, 2023 | 170 views

Wararka naga soo gaaraya xerada Xagardheer oo ka tirsan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dhacdo xanuun badan ay ka dhacday halkaasi, kadib markii nin ku hubeysnaa mindi uu dil iyo dhaawac ka geystay.

Eedeysanaha oo baxsaday ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cabdullaahi, wuxuuna gowrcay wiil yar oo hal sano jir ahaa, isla-markaana uu Abti u ahaa, sidoo kale wuxuu dhaawacay walaashiis oo uur 8 bil ah laheyd, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Halkan waxaa ka dhacday arrin aad iyo u fool xun, taas oo ah in wiil uu dilay walaashiis iyo wiil yar oo ilmaha halka sano jira oo guurguuranaayo inuu meeshaan ku dilo, wiilka yaraay wuxuu ku dhuftay toorey isaga oo ka geliyay dhuunta, kadibna gowracay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhaawac halis ah uu soo gaaray gabadha, kadib markii uu ku dhuftay masaar iyo baangad uu watay eedeysanaha oo sidoo kale ah walaalkeed.

“Gabadha walaashiis ah wuxuu ku dhuftay masaar dhanka madaxa ayuu kaga dhuftay kadibna Baangad ayuu usii raaciyay dhegta way go’day gabadha waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wuxuu intaas ku daray “Waxaa kale oo jirtay in gabadha ay laheyd uur siddeed bilood ah dhacdadaas markii ay dhacday dadka balooga daganaa aad ayay u argagaxeen, waayo waa wax lagu cusub” ayuu markale yiri mid kamid ah mas’uuliyadda deegaanka ay wax ka dhaceen.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ninka falka geystay uu aad u isticmaali jiray maandooriyaha, isla-markaana hadda kahor la xiray, balse mar dambe lasoo daayay.

Like it? Share it!

Leave A Response