Ciidamada DF & Daraawiishta DG Galmudug oo dhaqdhaqaaq Ciidan kawada Gobollada Mudug & Galgaduud.

by admin | Sunday, Jul 16, 2023 | 133 views

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa dhaqdhaqaaq kawada Gobollada Galgaduud & Mudug, Saraakiisha hoggaamineysa ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin deegaanno ay weli joogaan ‘AS’.

Ciidan katirsan kuwa Dowladda Federaalka ayaa la geeyay Galmudug waxa uu qorshuhu yahay in ciidamadaas ay duullaan ku qaadaan Degmooyinka Ceelbuur & Xarardheere oo deegaanno katirsan ay ku sugan yihiin ‘AS’.

Dowladda Federaalka ayaa ciidan u dirtay Galmudug, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa dhowaan sheegay in ciidankaas ay ka howlgalayaan Ceelbuur iyo Xarardheere.

Waxa uu si cad u sheegay in ciidamadaas ay la shaqeynayaan ciidamada kale ee howlgallada kawada Deegaannada Dowlad-Goboleedka Galmudug si maalmaha ka dhiman Bishaan July ay gacanta ugu dhigaan deegaannada ay joogaan ‘AS’.

Ciidamada gaarka u tababaran ee Kumaandooska DANAB ayaa howlgallo xooggan kawada Budbud & Galcad, war kasoo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in dagaalamayaal katirsan ‘AS’ in lagu dilay howlgalladaas.

Like it? Share it!

Leave A Response