Kenya oo kordhisay howlgallada ay ku xaqiijineyso Amniga deegaannada dhaca Xadka Soomaaliya ay la wadaagto.

by admin | Sunday, Jul 16, 2023 | 123 views

Saraakiil katirsan Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa sheegay in ciidamada Booliiska oo kaashanaya Militariga Dalkaas in ay kordhiyeen howlgallada roondada ah oo ay ka sameynayaan deegaannada ‘AS’ ay ka geystaan Dilalka iyo weerarrada.

Ciidamada ayaa saldhigyo cusub ka sameystay deegaannada qaar si isku xirka howlgalkooda uu u noqdo mid joogto ah, Dadka deegaanka ayay ka dalbadeen in ay kala shaqeeyaan ka gungaarista howlgalka ay wadaan.

Askarta Kenya ayaa xiray Dad ay ku tuhmayaan in ay xiriir la leeyihiin ‘AS’ si ay usoo baaraan maadaama tuhunkoodu ay u baahan yihiin in ay u helaan caddeymo dhammeystiran si haddii falka lagu soo eedeeyay lagu helo loo Maxkamadeeyo.

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in ciidamada Difaaca Dalkaas ee KDF loosoo gaabiyo ay kordhinayaan howlgallada ay ka wadaan gudaha Soomaaliya halka askarta Booliiska ay xoogga saarayaan howlgalka gudaha.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliiska Kenya ayaa sheegay in kordhinta howlgallada ay dhasheen kaddib markii weerarrada ‘AS’ ay geysatay tira-beel noqdeen halka gacanta lagu dhigay Ajaanib dooneysay in ay u gudbaan Soomaaliya si ay ugu biiraan ‘AS’.

Like it? Share it!

Leave A Response