Odayaal ka digay in la boobo doorashada Xildhibaannada labada Aqal

by admin | Thursday, Aug 26, 2021 | 420 views

Kulan saacado badan qaatay ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku yeeshay Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda degaannada Puntland, iyaga oo ka soo saaday Warsaxaafadeed ay uga hadleen xaaladda xilligaan ee dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa Odayaasha & waxgaradka waxaa ay uga hadleen dhowr qodob oo u badan arrimaha siyaasadda, kuwaas oo kala ah.

1: Doorashadii aqalka sare ee Soomaaliya ee lagu qubtay Guroowe.

2: Habraaci Doorashadda aqalka hoose oo  ay saxiixeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda
xilgaarsiinta iyo madaxda dowlad Goboleedyada.

3:  .U ustaynta Magaaladda Gaalkacyo in lagu qubto doorashada heer federael ee Puntland.

4: Awoodsiinta waxgaradka, Nabadoonadda iyo isimadda gobolka ee xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanadda iyo talo ku yeelashada xubnaha beelaha gobolka Mudug u matali doonu heer federaal.

5:  Dhismaha golaha deegaanka ee degmadda Gaalkacyo.

Odayaasha iyo waxgaradka shiray ayaa go’aamiyay in Doorashadda xubnaha labada aqal ee gobolka mudug kasoo gala lagu qabto magaaladda Gaalkacyo ayna casuumad u dirayaan guddiyadda doorashadda ee heer federaal iyo Puntland inay fududeey qabsoomidda doorashadaas oo ay dadka reer Mudug doonayaan inay noqoto mid
beeluhu ku doortaan xildhibannadda ay iyagu rabaan oo heysta kalsoonida loogana hortago shakiga laga qubo boobka doorashadda ee lagu maamulay tii aqalka sare.

Ugu dambeyn Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaraska Gobolka Mudug ee kasoo jeeda Puntland ayaa soo saaray qodobo ay shirkooda uga hadleen.

1: Shirku waxuu ugu baaqayaa markii saddexaad in Puntland gaar ahaan Wasaaradda arimaha gudaha, dawladaha hoose iyo dimuqraadiyaynta ay bilowdo
dhismaha golaha deegaanka ee degmadda Gaalkacyo si loo baahiyo is maamulka
shacabka loogana baaqsado in hakad ku yimaado mashaariicda horumarineed ee ka
socda degmadda kuwasoo badankoodu ku xiran yihiin jiritaanka golle deegaan oo dadku soo doortaan.

2:  Shirku waxuu ugu baaqayaa dhamaan bulsho weynta Puntland inay u istaagaan siddii
loo badbaadin lahaa jiritaanka iyo midnimadda guud ee umadda Sommaliyeed gaar
ahaan kan Puntland loona diyaar garoobo siddii looga hortagi lahaa boobka iyo ku takrifalka awoodeed ee la doonayo in lagu afduubo doorashooyinka aqalka hoose ee
heer federaal isla markaana ay sidda ugu dhaqsaha badan uga qaataan go ‘aamo wax ku
Ool ah oo ay ku muujnayaan dareenkooda.

3: Shirku waxuu ugu baaqayaa isimadda Puntland inay ku dhawaaqaan qabashada
shirweyne looga tashanayo isla markaana lagu badbaadinayo midnimadda iyo jiritaanka
Bulshadda Puntland ayna hormuud u noqdaan in umadda Soomaaliyeed laga budbaadiyo in xukunka dalka ay boobaan shukhsiyaad aan haysan kalsoonidooda oo ku xukuma rabitaankooda baalna mara heshiisyada bulsho oo la isla ogol yahay.

4: Shirku waxuu bogaadinayaa isdhexgalka dadyowga kuwada dhaqan gobolka Mudug
waxuuna ku boorinayaa inay ilaashadaan nabadgalyadooda, horumarkooda iyo
midnimadooda ayna kasoo horjeestaan wax kasta oo wax u dhimaya xasiloonidda iyo
wada jirka bulshadda.

Go’aanadaan la xiriira doorashada ee kasoo baxay Odayaasha Dhaqanka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli Musharixiinta Madaxweynaha iyo Siyaasiyiinta ay sheegeen in si musuq maasuq ah ku dhaceen doorashada Aqalka Sare oo qeyb kamid ah la qabtay.

Like it? Share it!

Leave A Response