Dagaal Maalintii labaad dhexmaraya Soomaalida iyo Canfarta & khasaaro ka dhashay

by admin | Thursday, Aug 26, 2021 | 255 views

Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah galay dagaalka  degaano ku yaal Galbeedka Gobolka City ku dhexmaraya Soomaalida iyo Canfarta, kaas oo la soo sheegayo in khasaaraha ka dhashay ay kordheen.

Dagaalada ayaa waxaa la sheegay in maleeshiyaadka Soomaalida ay isku fidiyeen dhul horleh sida degaannada Roto, Tarayna, ilaa Birta-dheer, kuwaas oo waxyar u jira magaalada Cadayti oo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Canfarta

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka ay ku geeriyoodeen in ka badan 15 ruux tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana labada dhinac ee dagaalamaya oo Xoolo dhaqato u badan soo kala gaaraya gurmadyo xoogan.

Dagaaladaan ka socda meelo kamid ah dowlad degaanka ayaa waxaa ay ka dambeeyeen kadib markii maleeshiyaadka  Canfarta ay weerareen Shacab Soomaali ah oo degaanadooda ku sugan, waxaana dagaaladaan ay dowladda Itoobiya weli ka aamusan tahay maadaama dagaalo kalenay uga furan yihiin Gobolka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya.

Like it? Share it!

Leave A Response