Dagaalo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

by admin | Thursday, Aug 26, 2021 | 254 views

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaalo culus oo degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalada  ayaa waxaa ay ka kala dhaceen degaanada Jasiirada Kudhaa iyo Hoosingow, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihii deegaannadaas, waxaana halkaasi ka dhacay dagaalo culus oo khasaaro kala duwan geystay.

Dadka degaannada Jasiirada Kudhaa iyo degaanka  Hoosingoow  ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale dadka waxaa ay sheegeen inay cabsi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqdin qabeen inay waxyeelo kasoo gaartao dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada lagu dagaalamay ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhigyaqda ay ku sugan yihiin la weeraray.

Like it? Share it!

Leave A Response