Rag hubaysan oo lagu dilay is rasaaseyn ka dhacday Wajeer

by admin | Thursday, Aug 26, 2021 | 229 views

Laba Nin oo hubeysnaa ayaa waxaa lagu dilay rasaas ay boolisku ku fureen deegaanka Dadajabula, oo ka tirsan degmada Wajeer, ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya

Ciidamada Booliiska Magaalada Wajeer ayaa waxaa ay  gacanta ku dhigeen afar qori oo AK47 ah iyo in ka badan 300 oo rasaas ah, waxaana raga la dilay kujiray  askari ka tirsan Ciidamada Booliska keydka gaarka ah.

Sidoo kale qofka labaad ayaa isna Ciidamadu sheegeen in la aqoonsaday, in kastoo aysan fah faahin ka bixin waxa uu ahaa.

Sida ay boolisku sheegeen koox iyaga ka tirsan ayaa howlgal ka waday aagga Dabadarer oo ka tirsan gobolka Habaswen markii ay la kulmeen dableyda, taasoo dhalisay is -rasaaseyn.

Askariga  booliiska  ee israsaaseynta ku dhintay ayaa la ogaaday inuu ka yimid qaybta Magalada  Dhadhaab laakiin waxaa la rumeysan yahay inuu howlo u Shaqo u joogay aagga.

Marka laga reebo 316 xabbadood oo la helay, booliisku waxay sheegeen inay sidoo kale soo heleen, laba jaakado oo kuwa milatariga ah, afar taleefoon gacmeed  iyo baal qorraxda ku shaqeeya.

Taliyaha bilayska gobolka waqooyi bari Rono Bunei ayaa sheegay in ay xoojiyeen howlgallada roondooyinka  ah ee gobolka si wax looga qabto weerarada goos gooska ah ee uga imaanaya Al-Shabaab iyo kuwa taageera.

Wuxuu ku booriyay inay la yimaadaan iskaashi ka dadka deegaanka & dadaalo wax looga qabanayo amni -darrada mararka qaar ka dhaca degaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari.

“Waa inaan ka wada shaqeynaa sidii aan u hubin lahayn inaan xakameynno howlahaan carqaladaynaya horumarka. Waa waajib qof walba saaran inuu xaqiijiyo inuu jiro amni, ”ayuu yiri Bunei.

Degaannada Gobolka Waqooyi Bari  ayaa wajahayay caqabado amni bilihii la soo dhaafay sababo la xiriira weeraro ay geysteen dagaalyahanno ka tirsan Al -Shabaab oo ka  tallaaba xadka Soomaaliya.

Bishii June, ayaa maamulka degmada Mandheera lagu qasbay inay joojiyaan dhaqdhaqaaqa gaadiidkooda, kadib markii ay kordheen dhacdooyinka la xiriira weerarada Al-Shabaab

Like it? Share it!

Leave A Response