Puntland oo ku eedeesay Madaxweyne Xasan in uu jabiyay heshiiskii Soomaali kuwada joogtay

by admin | Saturday, Mar 30, 2024 | 37 views

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay afar qodob oo kamid ahaa Dastuurka KMG ee dalka lagu maamulayay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana dedaal badan ku bixiyay sidii wax looga bedeli lahaa dastuurka KMG ee dalka u yaallay, waxa uu sidoo kale ka shaqeeyay sidii qodobada qaar wax looga bedeli lahaa si talada usii hayo mar kalana loo doorto.

Maamulka Puntland oo horey uga soo horjeeday qorshaha wax looga bedelayo dastuurka ayaa mar kale si weyn uga soo horjeesatay go’aanka ay maanta xildhibaanada labada Aqal ku meel mariyeen wax ka bedelka dastuurka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu jabiyay heshiiskii Soomaaliya ku wada joogtay dagaalkii sokeeye kadib 1991, uuna laalay dastuurkii lagu doortay.

”Madaxweyne XSM wuxuu maanta jebiyey heshiiskii Somalia ku wada joogtay dagaalkii sokeeye kadib 1991. Wuxuu laalay dastuurkii lagu doortay, laguna dhaariyey. Wuxuu dhumiyey sharciyaddii (legitimacy) iyo kalsoonidii xafiiskiisu lahaa” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Madaxweynaha Puntland iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta Mucaradka ay ku jiraan Farmaajo, Shariif iyo Xasan Cali Kheyre ayaa si weyn uga soo horjeeday wax ka bedelka lagu sameeyay dastuurka KMG iyo ansixintiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response