Qaadkii ugu Badnaa oo Beledweyne lagu gubay iyo Howlgal weli socda{sawiro}

by admin | Wednesday, Apr 15, 2020 | 459 views

Maamulka Gobolka Hiiraan oo kaa shanaya Laamaha amniga ayaa maanta deegaanka Kala-beyr ku gubay Qaad laga keenay dhanka Itoobiya kaas oo qaab Ganacsi ahaan ladoonayay in loogu iibiyo magaalada Beledweyne.

Ciidmada amniga oo fulinaya amarkii Madaxweyne Hirshabelle Maxamed cabdi waare iyo guddoomiyaha cusub ee gobolka hiiraan Cali jeeyte Cismaan oo saakay howlgalka xerista xuduudka soomaaliya iyo ismaamulka soomaalida ayaa gacanta ku dhigay gaari yar oo qaadka sida waxeeyna durba goobta ku gubeen qaadkaasi.

 

Sidoo kale ciidamada ayaa maanta gudaha magaalada ka billaabay howlgalka aay kula dagaalmayaa ka ganacsiga qaadka waxaana la arkayay ciidamo badan oo boolis ah kuwaasi oo gaancsatada qaadka ku iibiya Beledweyne ganacsigooda albaabada isugu laabaya ugana digaya in aay mar kale qaadka aay ku iibiyaan magaalada Beledweyne.

 

Sikastaba Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa saakay hoggaaminayay howlgalka xerista xuduudka soomaaliya iyo ismaamulka soomaalida ayaa gacanta ku dhigay gaari yar oo qaadka sida waxeeyna durba goobta ku gubeen qaadkaasi.

   

Like it? Share it!

Leave A Response