Dad ka baxsadey Xarun karantiil

by admin | Wednesday, Apr 15, 2020 | 532 views

Dadkaan oo tiro ahaan  lagu sheegay 32 Ruux ayaa waxaa ay ka baxsadeen Xarun lagu karantiilo dadka looga shakiyo Cudurka Coronavirus taas oo ku taalla Gudaha degmada Ceelwaaq Kenya.

Dadkaan oo badankood ahaa rakaab ayaa kamid ahaa 66 Ruux oo lagu haayey Xarun Karantiil,in kastoo aan si rasmi loo faah faahin sida ay ku baxsadeen maadaama goobta ay ku sugnaayeen Ciidamo Boolis ah.

Qaar kamid ah kaal kaaliyeyaasha Caafimaad ee Xarunta dadka lagu karantiilo ee Magaalada Ceelwaaq Kenya ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay walwal ka qabaan dadkaasi baxsadey oo ay sheegeen in qaarkood aan weli la karantiilin.

Guddoomiyaha Gobalka Mandera, Cali Ibraahim Roobo ayaa todobaadkaan sheegay inay ka walaacsan yihiin basaska dadweynaha iyada oo bandow uu jiro ay weli ka dhex Shaqeynayaan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Nairobi iyo Mandheera.

Kenya ayaa waxaa ay kamid tahay dalalka Afrika ee laga helay kiisas kamid ah Cudurka Coronavirus,iyada xilliyada habeenkii Magaaloyinka qaar bandow la geliyey.

Like it? Share it!

Leave A Response