Qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho oo xiran & dibadbax lagu wada in uu ka dhaco Garoonka Eng. Yariisow

by admin | Thursday, Jan 12, 2023 | 202 views

Waxaa saaka xiran Qaar ka mid ah Waddooyinka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyada oo lafaliya galinka dambe ee maanta in Garoonka Ciyaaraha ee Eng. Yariisow Stadium uu ka dhaca Bannaanbax loogu magac daray Kacdoonka Muqdisho; kaas oo loogu taageeraya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaa ee ka socda inta badan Gobollada Dalka.

Dhammaan shaqaalaha Dowladda iyo kuwa Dowladda Hoose ee Xamar ayaa lagu amray in ay ka soo qeyb galaan bannaanbaxa, iyada oo la filaya in uu ka soo qeyb gala Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo la hadli doona Mas’uuliyiinta iyo Bulshada Caasimadda ee ka soo qeyb gashay isku imaatinka.

Waxaa la fasaxay saaka dhammaan goobaha Waxbarashada Muqdisho ka dib markii galinkii dambe ee shalay ay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo T

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa u dhignaa sida tan “Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waxaa ay ku wargelinaysaa qeybaha kala duwan ee bahwaynta Waxbarshada dalka in ay si mug iyo miisaan leh uga soo qeyb galaan isku soo baxa kacdoonka Shacabka ee berri Ka dhici doona Garoonka Eng Yariisow Stadium.”

tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay fartay Bahda Waxbarashada in ay ka soo qeyb galaan dibadbax lagu taageeraya dagaalka lagula jira Al-Shabaab.

Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa July 2022-kii ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanno dhawr oo ka tirsan Goballada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud kuwaas oo ay ka arriminayeen inkabadan 10 sano.

Like it? Share it!

Leave A Response