RW Xamsa oo faray Howlwadeennada Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira in ay si hufan ugu adeegaan bulshada

by admin | Thursday, Jan 12, 2023 | 215 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo Safar shaqo ku jooga Dalka Masar ayaa kulan la yeeshay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira.

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan qaabka u shaqeyso safaaradda Danjiraha Ilyaas Sheekh Cumar iyo hawlwadeennada oo ka hadlay baahiyada ay qabaan iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Howlwadeennada Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Masar ku boorriyay in ay si hufan shaqadooda u gutaan, isla markaana si daahfuran ay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray Dalka Masar 9 January 2023-ka ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalkaas Mostafa Madbouly, isaga oo kala hadlay kor u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Masar.

Like it? Share it!

Leave A Response