Qaar ka mid ah wadooyinka jidcadyaasha Muqdisho oo biro lagu jaray

by admin | Wednesday, Sep 12, 2018 | 893 views

Biro dhaadheer ayaa lagu jaray Jidcadayeyaasha ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho sidda ay Warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Darawaladda ku shaqeysta Mootooyinka ee Isticmaala  Wadooyinka Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka aan u shaqeyn dowlada ee aan heysan Aqoonsiga dowladda ayaa mari jiray Wadooyinka ay hadda Biraha lagu jaray, Maadaama Wadooyinka ka agdhow Xarumaha dowladda aan la marin aqoonsi dowladeeda la’aantiisa.

Ujeedada ka dambeysa in wadooyinka Magaalada Muqdisho ciidamada ammaanka ay xiraan ayaa waxaa ay tahay in la adkeeyo Ammaanka xarumaha dowladda iyo Xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir.

Gaadiidka uma suuragaleyso inay laamiga ka leexdaan, sababtoo ah dhamaan jidcadyaasha xaafadaha dhexmara ayaa lagu jaray Biro si uusan gaari u marin.

Sidoo kale ciidamada ayaa gooyay jidcadyaasha mara wadada ka timaada Isgoyska Howlwadaag ee sida tooska ah u gasha Isgoyska Sayid.

Sidoo kale gaariga Isgoyska  Banaadir ka soo baxa kama leexan karo wadada illaa uu ka tago Isgoyska Tarabuunka.

Qorshahan ayaa looga gol leeyahay sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka in lagu suggo amniga Muqdisho, sidoo kalena gaadiidka aysa ka baxsan Koontaroolada ciidamada la istaajiyay ee gaadiidka lagu baaraayo.

Like it? Share it!

Leave A Response