Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM & khasaaro ka dhashay

by admin | Monday, Dec 28, 2020 | 350 views

Qaraxa oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda waxaa lagula eegtay duleedka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso uu qabsaday gaari booyad ah oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM, waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan khasaaraha qaraxaas.

Qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ayaa waxaa gobjoogayaasha ay sheegeen inay fureen rasaas farabadan wallow ilaa iyo hadda aan la shaacin khasaaro dad Shacab ah kasoo gaaray rasaastaas.
Muddo saacado ah ayaa waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka goobta qaraxa lagula beegsaday Ciidamada AMISOM wallow markii dambe ay Ciidamada wadada fureen socdaalkoodina ay iska sii wateen.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas, iyaga oo sheegay inay ku gubeen gaari Booyad ah oo ay lahaayeen Ciidamada AMISOM, sidoo kale ay khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka ayaa inta badan waxaa qaraxyada miinada nooca dhulka lagu Aaso ah lagula eegtaa Ciidamada AMISOM, waxaana mararka qaar qaraxyada iyo rasaas ay fureen Ciidamada ku waxyeelooba dad Shacab ah.

Like it? Share it!

Leave A Response