Qoorqoor oo xariga ka jaray xarun ay baahi weyn u qabeen shacabka Galmudug

by admin | Monday, Jun 12, 2023 | 149 views

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Hay’adda ee Dhuusamarreeb.

Dhismahan ayaa noqon doona mid laga maamulo xarumo kala duwan oo ku yaalla deeggaannada Galmudug.

Qoorqoor ayaa sheegay in xafiiskaan uu muhiimad weyn u leeyahay dadka reer Galmudug, ayna dadaal badan u galeen sideen dadku iyagoo magaalooyinkooda jooga ay u heli lahaayeen adeegga ay bixiso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Xaruntan cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka furatay Dhuusamareeb ayaa suuragelin doona in shacabka ku dhaqan Galmudug ay baasaboorka Soomaaliga ka qaataan halkaas, ayna meesha ka baxdo safarkii ay ugu iman jireen Muqdisho.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa sheegay in xaruntan cusub ay qeyb ka tahay xarumo badan oo heyaddu ku baahisay gobolada dalka qaarkood si adeegyada heyadda loogu fududeeyo shacabka, isagoo xusay iney wadaan qorsheyaal ay xarumo cusub kaga furayaan degaano kale.

Like it? Share it!

Leave A Response