Meertada 14-aad ee Shirka Urur Goboleedka IGAD oo Jabuuti ka furmaya

by admin | Monday, Jun 12, 2023 | 147 views

Waxaa Maanta magaalada DJabuuti ee Caasimadda Dalka Jabuuti ka furmaya Shirka Dalalka ku midaysan urur Goboleedka Igaad, kaasi oo sanadkaan diiradda lagu saari doono arrimo muhiim ah.

Shirka waxaa ka qayb galaya madax-kala duwan oo matalaya dalalka ku midaysan ururka,waxaana ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo qayb ka ah masuuliyiinta ka degay Jabuuti.

Meertada 14-aad ee IGAD ayaa sannadkan diirradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka, waxaana khudbado ka jeedin doona masuuliyiinta ka qaybgalaya.

Waxyaabaha kale ee sida gaarka ah loogu faaqidi doono waxaa ka mid ah Colaadda ka taagan dalka Suudaan iyo sidii hal dhan looga soo wadajeesan lahaa waxa ay ugu yeeraan Arga-gixisada Geeska Afrika.

Xoojinta isdhexgalka gobolka,  nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada waa waxyaabaha ugu horreeya ee qaybta ka ah Qodabada shirka

Like it? Share it!

Leave A Response