Qoysas horleh oo Baladweyne uga barakacay fatahaadda Webiga Shabeelle.

by admin | Monday, Nov 13, 2023 | 129 views

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka socda barakac xooggan oo ay sameynayaan qoysaskii koobnaa ee rejada ka qabay in ay guryahadooda sii joogaan balse waxa ay quusteen kaddib markii uu fatahay Webiga Shabeelle.

Roobka Dayrta ah ee Curtay Horraantii Oktoobar 2023 ayaa xareed badan ku daray Webiga Shabeelle waxaana uu ka sare maray calaamadaha loogu talagalay in lagu ogaado heerka uu gaarsiisan yahay waxaana ugu dambeyn dhashay daadad badan.

Taliye ku xigeenka Booliiska qaybta Gobolka Hiiraan Muuse Cabdi ayaa sheegay in mid kamid ah askarta ciidanka Asluubta uu ku geeriyooday fatahaadda halka khasaaraha maaliyadeed ay ku dhow dahay haddii aanay ka badnayn Nus Milyan doollar ($500,000).

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Shacabka uga digay in ay u dhawaadaan meelaha godadka ah ee biyuhu isugu tagaan si looga hortago halista nafeed ee ka dhalan karta maadaama ay ku xireen calaamado lagu garan karo Goobahaas.

Ka gudubka Buundada ayaa la hakiyay maadaama biyaha ay joog-sare ay gaareen si aanay Dadka ugu dhicin ayaa loo soo joojiyay isu socodka Dadka sida uu sheegay mas’uul katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo Warbaahinta la hadlay.

Roobka Dayrta ayaa daadad badan oo ka dhashay waxa ay ku fataheen Magaalooyinka Luuq, Baardheere, Baydhabo, Bardaale, Buur-hakaba, Baladweyne iyo deegaanno kale halka degmooyinka qaar Dadka degen ay kasii barakacayn saadaasha aan wanaagsaneen ee u muuqata.

Like it? Share it!

Leave A Response