Madaxweynaha Soomaaliya oo magaalada Riyaad kulamo kula qaatay madaxda dalalka Eretariya iyo Ciraaq

by admin | Monday, Nov 13, 2023 | 111 views

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah kula qaatay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya madaxweynayaasha dalalka Eretariya iyo Ciraaq.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa dalka Eretariya Isaias Afwerki ayaa ka wada hadlay xaalada gobolka iyo adkeynta xriirka ka dhaxeeya labada dowladood, waxaana la tilmaamay in labada madaxweyne isla meel dhigeen in si wadajir ah loo wajaho caqabadaha ay wadaagaan labada dal.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulan kale kula qaatay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga madaxweynaha wadanka Ciraaaq Abdul Latif Rashid iyo masuuliyiin kale oo ka mid ahaa wafdigiisa oo ka qeyb galay shirka dalalka Islaamka.

Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa ka wadahadlay isdhaafsiga khibradaha iyo xirfadaha la xiriira dagaalka ay kula jiraan kooxaha loogu yeero argagixisada, iskaashiga amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya shacab labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq.

Kulamadaan uu madaxweyne Xasan Sheekh kula qaatay magaalada Riyaad madaxda kala duwan ayaa imaanaya, iyadoo madaxweynuhu uu dalka Sacuudiga uu uga qeybgalay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika.

Like it? Share it!

Leave A Response