Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Fagaare kula hadlay Shacabka Marka

by admin | Saturday, Sep 14, 2019 | 629 views

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah Mudane Xasan Cali Kheyre oo gaaray  Marko ee Shabeellaha Hoose ayaa dadweynaha Magaalada kula hadlay goob Fagaaro ah oo ku taalla Magaalada.

Garoonka Diyaaraddaha ee Magaalada ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, maamulka degmada , Wasiiro ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidanka.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa socdaal dheer ku bixinaya degaannada Koonfur-Galbeed magaalada Marka ayaa noqonaysa magaaladii seddexaad ee uu booqdo, waxaana uu horay u tagay Magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo.

Like it? Share it!

Leave A Response