Ruushka oo dagaal cir & dhul ah ka wada dalka Ukraine

by admin | Thursday, Feb 24, 2022 | 372 views

Ruushka ayaa billaabay dagaal buuxa oo uu ku qabsanayo dalka Ukraine, waxaana durba billowday hadallada ay tallaabadaas uga fal celinayaan madaxda waddamada reer Galbeedka.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa beenisay in militarigooda ay weerarro la beegsanayaan magaalooyinka Ukraine – iyadoo sheegtay in taas baddalkeeda ay bartilmaameedsanayaan xarumaha militeriga, saldhigyada difaaca hawada iyo kuwa ciidamada cirka.

Warka kasoo baxay wasaaradda oo ay shaacisay Wakaaladda Wararka Ruushka ee RIA ayaa lagu sheegay in ciidanka Ruushka ay weerarkan u adeegsanayaan “hub aad casri u ah oo Meesha loogu talogalay si toos ah u abbaaraya”.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa xaqiijiyay wararka ku saabsan in gantaallo lala dhacay waddankiisa, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Waxa uu intaas ku daray in Ruushku ay madaafiic ku garaaceen kaabayaasha Ukraine iyo xarumaha ciidamada ilaalada xuduudda.

Like it? Share it!

Leave A Response