Ruushka oo ku dhawaaqay in uu tilaabo ka qaadi doono dalalka Sweden iyo Finland

by admin | Thursday, Jun 30, 2022 | 379 views

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku eedeeyay NATO inay leedahay hammi boqortooyo, iyadoo xulafada reer galbeedka ay ballanqaadayaan inay kor u qaadayaan taageerada ay siiyaan Ukraine.

Isagoo ka hadlayay dalka Turkmenistan ayuu Mr Putin u sheegay saxafiyiinta in xubnaha NATO aysan wax dan ah ka lahayn wanaaga dadka reer Ukraine.

Waxa uu sheegay in Ruushku uu jawaab celin ka bixin doono ciidan kasta oo dheeraad ah oo la geeyo dalalka Sweden iyo Finland, kuwaas oo ku guda jira geeedii socodka ka mid noqoshada isbahaysiga NATO.

Inta la ogaaday waa safarkii ugu horeeyay ee Mr Putin uu ku tago meel ka baxsan Ruushka tan iyo markii uu bilowday duulaankii Ukraine.

Shir madaxeedka Madrid, madaxa NATO, Jens Stoltenberg, ayaa ballanqaaday taageerada Ukraine ilaa iyo inta ay ku qaadato.

Like it? Share it!

Leave A Response