Sarkaal Al-Shabaab ah iyo Ilaaladiisa oo lagu dilay duleedka degmada Waajid

by admin | Wednesday, Oct 24, 2018 | 798 views

Wararka ka imaanaya degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in howlgal ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koofur Galbeed sameeyeen lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ilaaladiisa.

Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Lafoole oo Waajid u jirta illaa 30KM, sida uu sheegay Guddoomiye kuxigeenka Amniga degmada Waajid.

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Macalin Deerow, waxaa lala dilay saddex ka mid ah Ilaaladiisa, waxaana gacanta lagu dhigay afar qoriga AK47 ah.

Degmooyinka Gobolka Bakool ahaa ah kuwo go’doon ku jira, kaddib markii dagaalamayaasha Shabaab ay jareen waddooyinka sahayda loo marsiiyo degmooyinkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response