Sarkaal ka soo dagaalamay Muqdisho oo Allah ka baryay in dalkiisu uusan la mid noqon Soomaaliya.{sawiro}

by admin | Sunday, Sep 6, 2020 | 489 views

Latif Ladin oo kamid ahaa ciidamadda difaaca Dadka Malaysia oo daabacay qoraal uu kaga hadlaayay Maalinta Xorriyadda dalkiisa ayaa Allah ka tuugay in dalkeedu uusan lamid noqon Soomaaliya, oo uu sheegay in ay ka socdaan Musuq, Jahawareer iyo colaadu hubaysan.

Siyaasiyiinta dalkiisa ayuu ku waaniyey tanaasul si dalkaasi uusan u noqon mid Soomaaliya oo kale sida uu qeexay qoraalkiisa oo laga daabacay bogga Malaysianupdate. 

“Siyaasada waad isku qaban kartaan, balse ma ahan in aan waddanka ugu horseedaa in uu daciif noqdo,” ayuu yiri Ladin oo qeyb ka ahaa Ciidankii Malaysia ee ka qeybgalay dagaalkii Muqdisho ee 27-sano kahor.Armorama :: New 1/35 Modern Weapons....Live Resin

Askartaas tiradoodu gaareysay 114 ayay Qaramada Midoobay u soo dirtay in ay badbaadiyaan ciidamo Ameerikaan ah oo ku godoomay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho intii u dhaxeysay 3-4 October sanadka 1993.

Iska hor-imaad ayay la galeen maleyshiyaad Soomaali ah oo uu hoggaaminayay Generaal Faarax Xuseen Caydiid. Dagaal la isku jilba-murxay ayaa waqtigaas dhexmaray kaasoo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyaddoo khaaaraha uu dhinacyada gaarey.

“Faa’iidada dagaalka waanu soo aragnay. Waxa aan ku faraxsanahay waxay tahay in aan haatan nabad nahay oo aan lamid noqon Soomaaliya. Ma ahan in aan dhexdeena dagaalno aan nabada ilaashano,” ayuu yiri.

“Ilaahey wuu naga mamnuucay in aan dhexdeena dagaalno. Waan in aan ku duceysanaa in waddankeena uu ka badbaadiyo in uu noqdo Soomaaliya oo kale. Waxaan rajeynayaa in dhamaanteena aan jiilka mustaqbalka u dhowrano nabadda aan haatan haysano,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa.Black Hawk Down - Battle Scenes - YouTube

Dagaalkii maalintaas dhacay oo loogu magac-daray Black Hawk Down ayaa lagu waramay in leysku adeegsaday in ka badan 100,000 oo rasaas ah, wuxuuna kamid ahaa isku-dhacyadii ugu cuslaa ee caasimada soo maray.

Like it? Share it!

Leave A Response