Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

30 qof oo ku dhintay dagaal culus oo dhex maray dad shacab ah iyo Al-Shabaab

by admin | Sunday, Sep 6, 2020 | 402 views

Daraasiin dad ah ayaa ku dhintey kadib iska horimaad u dhexeeyey dad reer miyi ah iyo dagaalyahanada xarakada Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug..

Afhayeenka maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur oo uu soo xigatay telefishinka Al-Jazeera ayaa sheegay in ku dhowaad 30 oo ay ku jiraan 16 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalka.

“Waxaan haynaa warar sheegaya in ku dhowaad 30 qof, oo ay ku jiraan 16 mintidiin ah, lagu dilay tuulada Shabeelow, halkaas oo dad rayid ah ay hubka qaateen si ay ula dagaalamaan argagixisada,” ayuu yiri Cismaan Ciise Nuur, afhayeenka maamulka Galmudug.

Maleeshiyooyinka iskaa wax u qabso ee maxalliga ah ayaa sheegay inay jilbaha u aasteen sidii ay ugu hortegi lahaayeen “tacadiyo” ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab.

“Tuulooyinka hubaysan waxay doorteen inay la dagaallamaan mintidiinta si ay uga difaacaan xoolahooda argagixisada,” ayuu sii raaciyay Cismaan.

Shan saacadood oo dagaalo qaraar ay socdeen Jimcihii ayaa waxaa ku dhintay 30 qof oo labada dhinac, halka kuwo kale oo badanna la jiifiyay isbitaallada magaalada Gaalkacyo, sida uu sheegay Cabdi Siyaad, oo ka mid ah odayaasha deegaanka oo la hadlay wakaaladda wararka Jarmalka ee Dpa.

Cabdi Siyaad waxa uu sheegay in dadka tuulada ay ku mashquulsan yihiin iska difaacidda waxa uu ku tilmaamay “naxariisdarro” iyo cabsi gelinta Al-Shabaab.

“Waxay cadaadis saarayeen dadka deegaanka ah ee ku nool Shabeelow ee gobolka Mudug si ay ugu qasbaan inay u dhiibaan hubkooda iyo xoolahooda wixii loogu magac daray dagaalka barakaysan ee ka dhanka ah gaalada kusoo duulay tan iyo sanado badan. Dadka deegaanku way ka daaleen cadaadiska kooxda,” ayuu yiri.

Wuxuu ka codsaday dowladda Soomaaliya inay hub siiso si dadka tuulada deggaan ay isaga difaacaan kooxaha argagixisada

Like it? Share it!

Leave A Response