Shaqaale ka howlgallayay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa oo Shaqada laga joojiyay

by admin | Monday, Aug 26, 2019 | 576 views

Soomaaliland ayaa Maanta waxaa ay gebi ahaanba Shaqada ka joojisay 42 Shaqaale oo ka howlgalayay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeya,kuwaas oo Garoonka ka qabanayay Shaqooyin kala duwan.

Shaqaalaha Shaqada laga joojiyay ayaa waxaa ay mushaar ka qaadan jireen jiray hay’adda duulimaadyada hawada ee qaramada Midoobey (ICAO),waxaana jirta in Dowladda Soomaaliya ay dhowr bilood ka hor ay la soo wareegtay maamulka Hawada Somalia,waxaana sababta Soomaaliland Shaqada uga joojisay ayaa lagu sheegay inay soo caddeeyaan in aanay ka mid ahayn shaqaalaha ay la wareegayso dawladda Soomaaliya.

Dhamaan Shaqaalaha gaaraya ilaa 42 ee Soomaaliland Shaqada ka joojisay Maanta ayaa waxaa ay ka Shaqeynayeen Garoonka Diyaaradaha Magalada Hargeysa gaar ahaan qeybaha kala ah

Air Traffic Controllers: Hagidda diyaaradaha

AIS Officers: Maamulka macluumaadka hawada

MET Officers: Saadaasha Hawada

FireFighting: Dabdamiska

Marshallers: Parking garaynta diyaaradaha.

Si kastaba qaar ka mid ah Shaqaalaha Shaqa joojinta Maanta lagu sameeyay ayaa waxaa ay dhankooda sheegeen inay aad uga xun yihiin tallaabada ay kula kacday xukuumadda Soomalailand ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi.

Like it? Share it!

Leave A Response