DEG DEG: Booliska oo goordhow xubno sare kala baxay xarunta gobolka Banaadir

by admin | Monday, Aug 26, 2019 | 572 views

Ciidamo uu hogaaminayo Taliyaha qaybta Guud ee Booliiska Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John), ayaa goordhow Aqalka Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir kala baxay 3 qof oo katirsan Shaqaalaha Gobalka.Dadkaan ay Ciidamada kala baxayn Xarunta Gobalka, oo qaarkood jirdil loo geestay sidoo kalane iyagoo jeebeysan gaari la saaray, ayaa waxaa ku jira ku xigeenka Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee  Maamulka Gobalka Banaadir Nuur Axmed Cali.

Sidoo kale dadka la xiray ayaa mid kamid ah waxaa la sheegay in ay tahay qof dumar ah oo ka tirsan Shaqaalaha Gobalka Banaadir,

Lama oga sababta loo xiray balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in uu soo galay tuhuno la xariira Qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir.

Nuur Axmed Cali, ku-xigeenka Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sidoo kale ka tirsan Guddiga qaban qaabada Xil Wareejinta Guddoomiyaha cusub ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Finish”.

Dad ka tirsan Shaqaalaha Gobalka Banaadir ayaa u sheegay  warbaahinta   in abaabulka qarax kale oo ka dhaca Xarunta Gobalka Banaadir looga shakiyay mas’uuliyiinta maanta la xiray.

Like it? Share it!

Leave A Response