Sheekh Caan ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

by admin | Monday, Feb 13, 2023 | 188 views

Kooxo hubeysan ayaa waaberigii hore ee saaka waxaa ay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir kudileen Nin Sheekh Caan ka ahaa degmadaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday, sida ay u sheegeen warbaahinta dad goobjoogayaal ah.

Sheekh la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu soo koobay Sheekh Muqtaar, waxana xilliga la dilayay uu kasoo baxay Masjidka Maqaamul Ibraahim ee kuyaalla agagaarka Jaayga degmada Wadajir oo uu Imaam ka ahaa.

Lama oga cidda ka dambeeysay dilkaas, mana jirto cid sheegatay, waxaana goobta uu dilka ka dhacay tegay Ciidamo katirsan kuwa dowladda, kuwaas oo howlgallo halkaasi ka sameeyay wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysanayo dadka la Shaqeeya dowladda Soomaaliya iyo dad kale, waxaana inta badan mas’uuliyadda dilalkaas sheegta Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response