Sheekh Shariif” Waa ayaan darro in Hay’adaha Amniga ay dacaayad u sameeyaan argagixisada,”

by admin | Tuesday, Apr 5, 2022 | 393 views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ayaa si kulul uga hadlay qoraalkii xalay kasoo baxay NISA ee ahaa in Al-Shabaab qorsheynayaan weeraro ka dhan ah Farmaajo iyo Rooble.

Qoraal uu Sheekh Shariif soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku eedeeyay Hay’adaha Amniga inay dacaayad u sameeynayaan Kooxaha loogu yeero argagaxisada.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada inay xil iska saaraan sugida amniga dalka, isaga oo uga digay Madaxweyne Farmaajo uga digay waxkasta oo khalqal gelin kara Amniga doorashooyinka.

Waa ayaan darro aad uweyn in hey’adii loo igmadey Amniga Qaranka dalka in ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka, waxay calaamad weyn u tahay digniino muddo la bixinaynay oo ah isku milanka hay’adda Nabadsugidda qaranka iyo kooxda Argagixisada taasoo ka dhalatay siyaasadeynta qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Qaran.

Sidaas daraadeed axaan ugu baaqayaa Raysul Wasaaraha JFS iyo Golahiisa wasiiradda  in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa nasiib daro weyn ah in digniinta hay’adda NISA lagusoo beegay xilli ay habsami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada barlamaanka 11 iyo dhaarinta xildhibaanada oo loo madlanyahay 14 bishan, sidaas darteed waxaan uga digayaa Mdaxweynaha JFS iyo hay’adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response