Madaxweynaha Somaliland oo Safiirka Sweden kala hadlay dhibaatada dabkii Suuqa Hargeysa

by admin | Tuesday, Apr 5, 2022 | 324 views

Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Sweden Amb. Per Lindgarde, oo Hargeysa u tagay in uu shacabka Somaliland la qaybsado tacsida iyo tiiraanyada ka soo gaartay masiibadii ka dhalatay Dabka ee Suuqa Waaheen.

Safiirka ayaa sheegay inay ka xunyihiin ka dawlad iyo shacbi ahaanba dhibta soo gaaray Suuqa Waaheen iyo ganacsigii weynaa ee Somaliland laf-dhabarta u ahaa uguna ballaarnaa. Isagoo ballan qaaday inay dhankooda diyaar u yihiin inay ka caawiyaan wixii taageero dhaqaale ah ee ay arrintaa ka geysanayaan, isagoo wakiil ka ah dalka Sweden.

Waxa kale oo uu xusay inay dhawaan isugu imanayaan shir deg-dega oo lagu qaban doono Nairobi, kana soo qayb-gelayaan dalalka isku bahaystay midawga Yurub, shirkaas oo ay kaga arrinsanayaan sidii gacan dhaqaale looga gaysan lahaa masiibadii suuqa weyn ee waaheen.

Madaxweynaha QSomaliland dhiniciisa waxa uu uga mahadnaqay safiirka, yaboohda iyo garab istaagga ay u ballan qaadeen shacbiga Somaliland inay kaga taageeraan masiibadii dabku geystay ee ay ku cayrdhoobeen boqollaal reer Somaliland ahi. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu warbixin ka siiyey xajmiga dhibaatada dabku inta ay leegtahay iyo baaxadda dhaqaale burbur ee uu u geystay bulshadii suuqaas ku ganacsan jirtay.

Like it? Share it!

Leave A Response