Cumar Cabdirashiid oo si kulul kaga hadlay digniintii NISA

by admin | Tuesday, Apr 5, 2022 | 442 views

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo marar kala duwan soo noqdey ra’iisal wasaaraha dalka Soomaaliya, ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay uga hadlay digniin ay soo saartay Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ee NISA , hay’adda ayaa digniintaas ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Si kastaba ha ahaatee, digniintii ugu dambeysay ee twitter-ka ee NISA waxay muujineysaa argagaxa N&N ee ku aaddan qabsoomida doorashada. Haddii aan la soo saarin tillaabooyin ku filan oo lagu xakameynayo madaxda NISA, hay’addu waxay noqon doontaa tiyaatarka lagu qorsheynayo hawlo xunxun oo khatar gelinaya doorashada” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Xildhibaano katirsan Golaha Shaacabka & Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dalka ayaa siyaabo kala duwan uga fal celiyay qoraalkii NISA kasoo baxay, iyaga oo shaki ka muujiyay

Like it? Share it!

Leave A Response