RW Rooble & Wakiilada Beesha Caalamka oo kulan deg deg ah ka yeeshay xaalada dalka

by admin | Tuesday, Apr 5, 2022 | 377 views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho waxaa uu Maanta kulan deg deg ahaa kula yeeshay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya.

Kulanka oo uu dalbaday Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Guud ee dalka, sida Amniga iyo Arrimaha doorashooyinka oo haatan maraya meel gabo-gabo ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wakiilada Beesha Caalamka waxaa uu Warbxiin ka siiyay Arrimaha doorashooyinka dalka farriimaha dhanka Amniga ah ee Ra’iisul Wasaaraha soo gaaraya iyo caqabadaha hortaagan doorashooyinka socda.

Shirka oo ah mid ay Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa la filayaa in marka la soo geba-gabeeyo in labada dhinac ee Ra’iisul Wasaaraha & Wakiilada Beesha Caalamka ay faah faahin ka bixiyaan.

Kulanka deg dega ah ee Ra’iisul Wasaaraha uu la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa kusoo beegmaya saacado kadib markii War kasoo baxay Taliska NISA lagu sheegay in Al-Shabaab ay qorsheeynayaan weeraro ay ku dili rabaan Madaxweynaha& Ra’iisul Wasaaraha.

Like it? Share it!

Leave A Response