Maamulka Koonfur Galbeed oo joojiyay wadashaqeynta RW Rooble ee doorashooyinka

by admin | Tuesday, Apr 5, 2022 | 346 views

Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay inay caddeynayaan in go’aanka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka.

” Koonfur Galbeed marnaba ma aqbali doonto damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu shaaciyay in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay si dhaw ula socoto in Ra’iisul Wasaaraha uu si sharci darro ah oo dano siyaasadeed ay ku jiraan uu u hor istaagay kuraas habraac sax lagu doortay, uuna ka dhaga adaygay inuu joojiyo faragelinra qaawan ee uu ku hayay doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Koonfur Galbeed waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la wadaagaysaa in laga bilaabo xilliga ay warqaddan soo baxday ay joojisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha taabbo-gelinta doorashooyinka, uuna lumiyay kalsoonidii hoggaaminta doorashada dalka oo haatan u baahan in laga samatabixiyo.

Ugu dambeyn Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayaan sarreynta sharciga iyo nidaamka Federaalka ah ee ay Soomaali ku heshiisay, ayna cod dheer ku sheegayaqn in carqalad kasta oo doorashada ku timaado uu masuul ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Like it? Share it!

Leave A Response