Somaliland oo Amartay howlgallo ka dhan ah Maandooriyaha

by admin | Thursday, Aug 26, 2021 | 272 views

Fadhigii 78-aad golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Maamullaas Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa warbixino lagaga dhegeystay wasiirrada wassaaaradaha, Arrimaha Gudaha iyo horumarinta maaliyadda.

Ugu horrayna waxa warbixin laga dhegeystay wasiirka Arrimaha gudaha  Maxamed Kaahin Axmed oo golaha xog ka siiyey nabadgelyada guud  iyo dedaallada ay ciidamadu ugu jiraan ka hortagga arrimaha la xiriira sugidda amniga iyo la dagaallanka mukhaadaraadka. Sidoo kale wasiirku waxa uu golaha la wadaagay in la sii xoojiyey la socodka arrmaha ka socda mandaqada Geeska Afrika.

Waxa isna golaha warbixin la xiriira nidaamka iyo habraaca miisaaniyad sannadeedka 2022 golaha la wadaagay wasiirka horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, dood iyo falanqayn dheer ka dibna waxa xubnaha golaha wasiirradu u soo jeediyeen wasiirka talooyin la xiriira miisaaniyadda Somaliland.

Ugu danbayntii wasiirka oo ku guda jira sharraxaada miisaaniyad sannadeedka ayaa xusay in sannadkan boqolkiiba labaatan (20%) la kordhin doono mushaarka dhammaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response