Somaliland oo QM ka dalbatay in aan DFS loo so marsiin Deeqaha

by admin | Tuesday, Mar 22, 2022 | 491 views

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo oo kusugan Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa xarunta guud ee Qaramada Midoobay kulan ballaaran kula qaatay mid ka mid ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen oo ay madaxweynaha Somaliland iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ku lafo gureen arrimo muhiim ah oo ku saabsan Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland  Dr. Ciise Keyd Maxamuud oo kulanka faah faahinayay ayaa sheegay in  ay ka wqda hadlay qadiyada Somaliland iyo sidii ay Qaramada Midoobay kaalmooyinka ay bixiso si toos ah u siin lahayd Somaliland, iyadoo aan cidna loo soo marin.

Wasiirka oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri “Sidoo kale waxa aanu kala hadalnay horumarinta beeraha, Kalluumaysiga, dhibaatooyinka abaaraha soo noq-noqday iyo sidii biyaha roobka ee da’a aynu u qaban lahayn oo aynu biyo-xireeno badan uga samayn lahayn dalkeena, markaa waanu isla qaadanay fikradahaas, waxaanu shirkaasi noqday mid guul noogu soo dhammaaday, waana guul kale oo Somaliland u soo hooyatay”.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dib ugu laabtay Magaalqda Washington DC oo ay ka sii wadan doonaan hawlihii shaqo ee ay halkaa u joogeen, iyagoo maalintii tobanaad ku sugan dalka Maraykanka.

Like it? Share it!

Leave A Response