Somaliland oo xukun adag ku ridday milkiilaha Astaan TV

by admin | Wednesday, Nov 4, 2020 | 363 views

Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ee Somaliland ayaa saaka xukun adag ku ridday milkiilaha Astaan TV, Cabdimanaan Yuusuf Maxamed, kaas oo saddexdii bilood ee la soo dhaafay ku xirnaa xabsiga magaalada Hargeysa.

Milkiilaha Astaan TV ayaa waxaa lagu ridday xarig shan sano ah iyo ganaax lacageed oo dhan labo bilyan oo ah Shillinka Somaliland.

Sidoo kale maxkamadda ayaa ku soo rogtay TV-ga Astaan xayiraad ah in uu uusan ka shaqeyn karin guud ahaan deegaanada maamulka Somaliland.

Maxkamaddu ma shaacin sababta uu Cabdimanaan Yuusuf Maxamed ku muteystay ciqaab intaas le’eg, waxaana arrintan ay dad badan ku noqotay la yaab.

Dhanka kale qareenada u doodayey milkiilaha Astaan ayaa sharci darro ku tilmaamay xukunka ay ridday maxkamadda, iyagoo shaaciyey in lagu heysto sifo sharci darro ah.

Si kastaba xunkunka lagu ridday Cabdimanaan Yuusuf ayaa daba socda cadaadisyo ay xukuumadda Hargeysa ku saareyso in shaqsiyaad ay wadato uu saami ka siiyo Astaan

Like it? Share it!

Leave A Response