Soomaaliya oo dib uga furatay Safaaraddeeda Dalka Rwanda

by admin | Friday, Apr 29, 2022 | 341 views

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dib Safaaraddeedii uga furatay dalka Rwanda, iyadoo la fulinayo heshiiskii 26 Janaayo ay kala saxiixdeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali iyo Dhiggiisa Rwanda , Dr. Vincent Biruta.

Danjire Sahra Cali Xasan ayaa warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Madaxweynaha Rwanda, Mudane Paul Kagame , 26 bishan April, iyadoo ka ah Safiirka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Rwanda.

Danjire Sahra Cali ayaa sidoo kale nuqul ka mid ah warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Wasiirka Arrimaha Dibadda Rwanda 25 bishan April.

Soomaaliya ayaa xoojinaysa xiriirka kala dhexeeya Rwanda, waxaana tallaabadan diblomaasiyadeed ay qeyb ka tahay qorshe lagu ballaarinayo matalaadda safiirrada Soomaaliya ee dalal dhowr ah oo ay ka noqonayaan ” Safiir ma degane” .

Like it? Share it!

Leave A Response