Soomaaliya oo laga cabsi qabo in sanadkaan abaaro ay ku dhuftaan

by admin | Saturday, Jan 5, 2019 | 790 views

Warabixian ay dhawaan soo saareyn koox u dooda xuquuqda aadanaha oo fadhigoodu yahay dalka Britain ayaa lagu sheegay in 4.5 Milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahanyihiin in si deg deg ah loo gargaaro ka hor inta xaaladooda xumaan oo ay macluul isku bedelin.

Warbixintaan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in kala bar tiradaasi ay yihiin caruur halka ku dhawaad barka kalana ay yihiin dad da’a ah oo aanan adkeysi farabadan u lahayn in ay ku noolaadaan xaaladahaa abaareed ee Saoomaaliya ka jira.

Waxa ay ka digeen in Soomaaliya ay Sanadkaan abaaro xooogan oo galaafta nolosha Soomaali badan ay ku dhufan karto, maadama roobab badan oo ka da’i jiray geyiga Soomaalida ay baaqdeyn.

Waxaa sidoo kale warbixintaani lagu xusay in 2.6 kamid ah tirada guud ee 4.5 ah ay yihiin dad barakacayaal ah, ayna mudantahay in gargaar deg deg ah lala gaaro si xaaladooda sii xumaaneysa wax lagaga qabto.

” Haweenka, Caruurta, iyo dadka da’da ah ayaa u badan dadka ay halista ugu badan ay saameysay, waxaana jirta in nafaqo la’aan baahsan ay ka jirto Soomaaliya oo afar meelood meel kamid ah Soomaalida ay ku noolyihiin xaaladaahaasi aan ka hadalnay” ayaa lagu sheegay warbixintaasi.

Ugu dambeyn waxa ayu ku baaqeyn in gargaar deg deg ah lala gaaro Soomaaliya, si bay yiraahdeen lagaga hortago abaarta Soomaaliya lagaga cabsi qabo.

Like it? Share it!

Leave A Response