Soomaaliya oo marti galisay qaxooti badan oo Ajanabi ah

by admin | Friday, Jan 22, 2021 | 313 views

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka mid aheyd dalalka Afrika ee sanadkii lasoo dhaafay martigaliyay Qaxootiga faraha badan.

War kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in Qaxootigaasi ay kala socdeen Afrika iyo Aasiya ayna dalalka ay ka yimaadeen ka jireen dhibaatooyin dhanka Amniga.

In ka badan 24,000 qof oo ajnabi ah,isla markaana ka kala socda wadamada Ethiopia,Syria Iyo Yemen ,ayaa sanadkii 2020 yimid gudaha dalkasoomaaliya,iyagoo  nabad galyo doon ah sida ay sheegtay heyada UNHCR .

Gobalada waqooyi galbeed, Bari iyo gobalka Banaadir ayaa ah meelaha ugu badan oo ay qaxootiga joogaan

Sidoo kale waxay UNHCR sheegtay in laga soo bilaabo sanadkii 2014 ay soomaaliya dib ugu laabteen 90,000 oo soomaali ah kuwaas oo horay wadamo kale qaxooti ahaan ugu tagay

Like it? Share it!

Leave A Response