Soomaaliya oo u diyaar garoobaysa roobka xilliga Guga, iyadoo 770,000 ay halis ugu jiraan fatahaado iyo barakac.

by admin | Sunday, Apr 21, 2024 | 30 views

Iyadoo lagu jiro xilli roobaadkii Gu’ga ayaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) wuxuu ka digayaa in roobab mahiigaan ah oo la filayo inay ka da’aan 22 degmo ay saameyn ku yeelan karaan ilaa 770,000 oo qof. Daadad xooggan lama soo sheegin, balse roobka socda ayaa walaac ka muujinaya fatahaadaha dhici kara, gaar ahaan gobollada sida Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Si loo diyaar goobo daadadka suurtagalka ah, hay’adaha bani’aadamnimadu waxay abaabuleen 51 doomood si ay u daad gureeyaan una gaarsiiyaan gargaar meelaha muhiimka ah. Gobolladan waxaa sidoo kale ka da’aya roobab dhexdhexaad ah ama kuwo culus sida ay saadaaliyeen saadaasha cimilada, taas oo u baahan dadaal degdeg ah oo waxtar leh si looga hortago musiibada.

Iyada oo ay jiraan caqabadahan cimilo, Soomaaliya waxa ay sii waddaa la dagaalanka dhibaatada barakaca, iyada oo in ka badan 1.5 milyan oo qof si qasab ah looga saaray guryahoodii toddobadii sano ee la soo dhaafay. Sannadkii 2023 oo keliya, in ka badan 207,850 qof ayaa laga saaray, gaar ahaan gobolka Banaadir, oo ay deggan yihiin dadka ugu badan ee barokacayaasha ah. Barakacayaal badan oo ku nool degmooyinka Kaxda iyo Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa helaya wax ka yar celceliska gargaarka bini’aadantinimo ee dalka, taasi oo uga sii dareysa dhibaatada .

Si loola dagaallamo dillaaca joogtada ah ee Shuban-biyoodka Ba’an (AWD)/daacuunka, Soomaaliya waxay heshay 1.4 milyan oo tallaal afka ah. Tallaalkan ayaa laga qaybinayaa shan degmo oo kulul oo loo aqoonsaday inay yihiin kuwo nugul oo kala ah: Boosaaso, Dayniile, Mahadaay, Buurhakaba, iyo Balcad.

Qorshaha wax ka qabashada bini’aadantinimo ee Soomaaliya 2024 ayaa qeexay in loo baahan yahay dhaqaale dhan 1.6 bilyan si wax looga qabto baahiyaha 6.9 milyan oo qof oo u baahan gargaar, iyadoo la doonayo in si toos ah loo caawiyo 5.2 milyan.

Like it? Share it!

Leave A Response