Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay inay dileen Nin Miino Aasayay

by admin | Friday, Jun 10, 2022 | 535 views

Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 47-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee ku sugan Degaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa la sheegay inay ku fashiliyeen Miino ay Aaseen Al-Shabaab, isla markaana ay doonayeen inay dadka ku dhibaateeyaan.

Taliyaha Ururka 47-aad Guutada-8aad Qeybta 60-aad Ciidanka xoogga dalka  LX/Le Daahir Macalin Cali ayaa sheegay in Ciidamada ay sidoo kale toogteen Ninkii miinada ku Aasayay Agagaarka Xerada Ciidamada dowladda ee degaanka Deeynuunaay.

” Ciidamada oo Roondo ugu jiray sugida Amniga Dadka Iyo degaanka deynuunaay xilliga ay la kulmayeen Ninka Miinada Aasayay ee la dilay howlgalladana waa ay sii socon doonaan ayuu yiri” Taliyaha.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si joogto ah howlgallo uga fuliya degaannada Gobolada Maamulka Koonfur Galbeed, hayeeshee mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response