Kulamo xal raadin ah oo ka socda degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

by admin | Friday, Jun 10, 2022 | 441 views

Waxaa degaanka Dalsan oo hoostaga degmada Cabudwaaq ee GobolkabGalgaduud ayaa waxaa ka billowday dilal ku saleysan Aano Qabiil oo dhexmaray Maleeshiyo Beeleed oo dhowr jeer ay dhinacyadu ku dagaalameen.

Odayaasha iyo waxgaradka labada Beelood ayaa kulankooda degaanka Dalsan waxaa ay kaga arrin sadeen sidii xal looga gaari lahaa colaad Beeleedyada soo laab laabtay, isla markaana dadka degaanka ay si nabad ah ugu wada noolaan lahaayeen.

Kulanka waxaa Goobjoog ka ahaa Saraakiisha Ciidamada ammaanka degmooyinka Cadaado
Iyo Cabudwaaq iyo Taliska Qeybta Booliska Gobolka Galgaduud iyo Xubno kale, waxayna ku baaqeen in si deg deg ah loo dhameeyo dagaalka.

Dhowr jeer ayaa degaano hoostaga degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo la xiriiray aanooyin qabiil, kuwaas oo noqday kuwo soo laab laabta.

Like it? Share it!

Leave A Response