Midowga Afrika oo baaq deg deg ah u diray dowladda Ukraine

by admin | Friday, Jun 10, 2022 | 502 views

Madaxweynaha dalka Senegal oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika Macky Sall ayaa  ku boorriyay dalka Ukraine inuu miinooyinka ku hareeraysan ka saaro dekeddooda Odesa si ay u fududaato in dekeddaas laga soo dhoofiyo haruurka iyo sarreenka ku xanniban ee aadka loogu baahan yahay.

Duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine iyo cunaqabataynta ay reer galbeedku ku soo rogeen dalka Ruushka ayaa hakad gelisay sareenkii iyo haruurkii labadan dal ay soo saari jireen ee dunida loo iibgeyn jiray.

Afrika, waxaa cirka isku shareeray qiimaha cuntada, iyada oo qaaraddani ay tahay tan ugu saboolsan dunida, waxaana qiime kororka ugu wacan hoos u dhaca ku yimid sareenka iyo gallaydii ay debedda u dhoofin jireen dalalka Ruushka iyo Ukraine.

Madaxweynaha Senegal ayaa u sheegay telefishanka France 24 iyo RFI, in haddii aan si dhakhso ah dib loogu bilaabin in dalka Ukraine uu soo celiyo sarreenkii iyo haruurkii uu Afrika u soo dhoofin jiray, in qaaradda Afrika ay geli doonto xaalad gaajo iyo macaluul oo aad u daran oo khalkhal gelin karta xasiloonida qaaradda oo dhan. Ruushka iyo Ukraine ayaa soo saari jiray 30% sarreenka dunida loo iibgeeyo.

Laakiin waxaa haatan dekedaha Ukraine ku xanniban haruur la doonayey in debedda loo dhoofiyo, ka dib markii ay dawladda Ruushku ay qaadday tallaabooyin go’doomin ah, halka cunaqabataynta reer galbeedkuna ay hakisay dhoofintii sarreenka iyo haruurka ee dalka Ruushka.

Like it? Share it!

Leave A Response