Taliyaha sirdoonka ciidamada Israel oo iska casilay.

by admin | Monday, Apr 22, 2024 | 28 views

Major-General Aharon Haliva, oo ah madaxa sirdoonka millatariga Israel, ayaa xilka iska casilay, isaga oo sabab uga dhigay guul-darradii lagu joojin lahaa weerarkii lama filaanka ahaa ee Xamaas, isagoo noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee eedda qaada oo xilka banneeya.
Hay’adda difaaca madaniga ah ayaa sheegtay in ilaa hadda ay soo saartay 283 mayd oo laga helay xabaalo wadareedyo la helay ka dib markii ay ciidamada Israa’iil ka baxeen cisbitaalka Nasser ee Khan Younis.
Weerarada Israel ayaa weli ka sii socda guud ahaan Gaza iyadoo todobo qof lagu dilay xerada qaxootiga ee Nuseirat ka dib maalin duqeymo ay ku dhinteen 24 qof oo ka dhacay koonfurta magaalada Rafah – oo ay ku jiraan 16 carruur ah iyo lix haween ah.
Ugu yaraan 34,151 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 77,084 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

Like it? Share it!

Leave A Response