Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad Sugidda oo saacado lagu xayiray Garoonka Muqdisho

by admin | Monday, Sep 10, 2018 | 924 views

Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa saacado kooban lagu xayiray Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqisho.

Muran qaatay saacad ka badan ayaa sababay in loo diido in uu ka dhoofo Garoonka isaga oo wata Baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya.

Cabdalla Cabdalla ayaa laga qaaday Baasaboorka diblomaasiga ah ee uu watay,waxaana loo diiday in uu ku dhoofo Baasaboorka diblimaasiga ah ee Soomaaliya.

Waxaa uu markii dambe ku dhoofay Baasaboor Jabuutitaan ah oo uu horay u heystay,Cabdalla Cabdalla ayaa dhawaan laga qaaday xilka,waxaanna sidoo kale wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Soomaaliya looga qaaday darajooyinkii Ciidanka ee uu lahaa.

Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad Sugidda ayaa dhawaan Maxkamadda Ciidanka qalabka sida u gudbiyay dacwad ka dhan ah Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo ku xigeenkiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response