Waare “Amniga magaalada Muqdisho gacanta ayuu ka baxay, dowladda waxay ka talisaa Wadada Maka al Mukarama

by admin | Monday, Sep 10, 2018 | 836 views

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo galabta gaaray magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay ammaank Muqdisho mid faraha ka baxay oo ay dowlada federalkana maamulin dhamaan magaalada.

Madaxweyne Waare ayaa hadalo kulul oo aan hore loogaga baran ku weeraray dowlada Federalka, isagoo ku eedeeyay inay burburin ku hayso maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug.

Waxaa uu sheegay in maalmihii uu socday shirka Kismaayo ee lagu Howlanaa diyaarinta war murtiyeedka ay dowladda culeys soo saartay maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana uu ugu baaqay inay faragelinta ka daaran.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay maamulka gobolka Banaadir isagoo ku tilmaamay in aanu madax banaaneen, leona baahan yahay in la iska warned Arrinta maqaamka Caasimadda

Like it? Share it!

Leave A Response